Ciidamada NISA oo Gacanta Ku Dhigay Qaraxyo Iyo Labo Xubnood Oo Al-Shabaab ah.

MUQDISHO(IDIL NEWS)-Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal ay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha Hoose ay kusoo qabteen hub iyo waxyaabaha qarxa.

Qoraal la soo dhigay Barta twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in holwgal xalay laga sameeyay deegaanada Sabiib iyo Caanoole lagu soo qabtay waxyaabha qarxa hub iyo laba Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Hay’adda NISA waxa ay shaacineysay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish,hase yeeshee ma jiro wax loo soo bandhigey Warbaahinta.

IDIL NEWS