Garyaqaanka Guud Ee Puntland Oo War Kasoo Saaray Guddigii Uu Magacaabay Eng. Camey (Akhriso)

GAROOWE(IDIL NEWS)-Qoraal Kasoo Baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland Maxamed Yuusuf Maxamuud,  ayaa waxa uu ku caddeeyay in Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland uusan awood u lahayn Magacaabista Guddiga Ansixinta Iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiilada cusub ee Puntland 2019-ka.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud oo laga tixraacay Dastuurka Puntland, iyadoo lagu sheegay in qodobada 80-aad iyo 81-aad ay kala Cadeynaayaan Awoodaha Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa dhowaan Magacaabay Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka baarlamaanka cusub ee Puntland, Kaas oo ka dhan ah Guddigii uu Magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, Iyadoona Xubnihii Guddigii uu Magacaabay Camey ay Is Casileen, kuna Eedeeyeen Madaxweyne Ku-xigeenka in loo Adeegsanayo Bur-burinta Dowladda Puntland.

Akhriso Qoraalka Kasoo Baxay Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland.

 

IDIL NEWS