Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyo Lagu Qabtay Magaalada Jigjiga (Daawo)

JIGJIGA(IDIL NEWS)-Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa in Ciidamada Booliska Deegaanka ay gacanta ku dhigeen Waxyaabaha Qarxa, kuwaas oo la doonayay in Lagu Weeraro Xarumaha Maamulka Dowlad Deegaanka ee Jigjiga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlada Deegaanka Soomaalida itoobiya Maxamed Cali Xasan oola hadlay Warbaahinta ayaa ku eedeeyay inay qaar ka haray maamulkii hore ee dowlad deegaanka soomalida Itoobiya ay ka dambeeyeen qorshaha weerarada la doonayay in laga geysto magaalada Jigjiga.

“Waxaan gacanta ku haynaa nin lagu magacaabao Axmed Mahad Colow oo loo yaqaan Ilkacase waxaana aan horgeyn doonaa  sharciga.”ayuu sii raaciyay.

Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya Mustafe Maxamud Cumar Cagjar, ayaa dhowaan ku eedeyay Dowlad Gobaleedyada Soomaaliyeed ee Puntland, Jubbaland Iyo Somaliland in laga soo abaabulayo qaraxyo la doonayo in laga geysto Magaalooyin ku yaal Dowlad Deegaanka Soomaalida itoobiya.

Daawo.

War deg deg #JIGJIGA OO #QARAXII UGU WAYNAA oo DADKA SHACAB AH LAGU LAYN RABAY OO LAQABTAY DADKII KADANBEYAY Halkan ka daawo

Posted by TV GA Jigjiga on Thursday, December 6, 2018

IDIL NEWS.