Dowlada Ingiriiska oo ka hadashay xariga Rooboow

David Concar safiirka Dowlada Ingiriiska ee Somaliya, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xiisadii ka taagneyd doorashada Koofur Galbeed ay isu bedesho gacan ka hadal.


“Waxaan aad uga walaacsanahay in xiisadii ka taagneyd doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ay isku bedesho gacan ka hadal, cid walba oo saameyn leh, waxa dhacaya waxaa ugu baaqayaa fadlan xaalada xakameeya, haloo turo dadka Baydhabo oo ay ku jiraan kumanaanka barakacayaasha ah”ayuu yiri Danjire Concar.


Danjiraha UK u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka mid ahaa Diblomaasiyiin fara ku tiris ah oo ka socday reer Galbeedka ah oo la kulmay Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa Musharaxiinta u taagneyd xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed.


Iska hor imaadyo iyo xiiisado xoog leh oo ka dhashay xariga Rooboow,ayaa maalintii labaad wali ka socda,iyadoo ilaa iyo hada ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 10-qof oo uu ku jiro Xilhdibaan ka tirsan baarlamaanka Koonfur-Galbeed.