Video:-Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada Magaalada Baydhabo

Waxaa gudaha magaalada Baydhabo kusoo qulqulaya Ciidamo fara badan oo taageersan Wadaadka xagjirka ahaan jiray hadase ka mid noqday musharaxiinta madaxweyne ee maamulka Koonfur-Galbeed Mukhtaar Rooboow.


Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada,ayaa isku dayay in ay ka hortagaan shacabka caraysan,balse waa ku guuldaraysteen waxayna xiligan difaac ka galeen aaga Saldhigooda,iyagoo aad uga baqsan Maleeshiyaadka faraha badan ee soo galaya gudaha Magaalada kana imaanayaa Deegaamada kale. ee Koonfur-Galbeed.


Dhanka kale waxaa iyaguna waxba qaban waayay Ciidamadii Booliska ahaa ee laga soo daad gureeyay Muqdisho kal hore ee hoso imaanayay Dowlada Fadaraalka Somaliya.


Xaalada Magaalada,ayaa saacadba saacada kasii danbaysa kasii daraysaa,waxaana sii xoogaysanaya kacdoonka shacabka,waxaa xirmay ganacsigii,waxbarashadii,isgaarsiintii iyo xarumihii maamulka.

Halkan ka daawo muuqaalka