Xiildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur-Galbeed oo la dilay

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur-galbeed,isla markaana ahaa Gudoomiyaha gudiga Amniga,ayaa la dilay kadib markii uu si cad uga hor yimid qorshayaasha Dowlada Fadaraalka ee ku aadan Koonfur-Galbeed.

Xildhibaanka,ayaa dilkiisu ahaa mid qorshaysan oo bar tilmaameed ah,waxaana toos u toogtay Askari kamid ah Ciidamada Dowlada Fadaraalka ee dhawaan Xamar laga soo daad gureeyay.

Xildhibaanka,ayaa ka hor inta aan la dilin saxaafada la hadlay sheegayna in aysan doorasho ka dhici karin Baydhabo,isla markaana ay Dowlada Fadaraalku burburisay nabadii iyo nidaamkii Koonfur-Galbeed.

Waa masuulkii lixaad oo muhiim ah oo la dilo kana soo jeeda beelweynta Raxanweyn.

Magaalada Baydhabo,ayaa waxaa ka socda kacdoon shacab oox oog badan maalinkii labaad.