Video:-Juxaa oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe

Musharrax Juxa, ayaa ugu horrayn u mahadceliyay dadweynihii Garoowe ku soo dhaweeyay, isagoo boqollaal ruux marka kula hadlayay barxadda bartamaha, khudbadda uu halka ka soo jeediyay ayuu ballanqaadyo waa weyn ugu sameeyay shacabka Puntland.

“Anigu Puntland ma ahi qof ku cusub siyaasadeeda iyo wax qabadkeedda.. anigoo yar ayaan u dhiidhiyay tabashada gobolkan iyo taariikhdiisa.. anigoo wasiirka waxbarashada ah ayaan ka soo shaqeeyay in wiilasha iyo gabadhaha reer Puntland ay helaan waxbarasho wanagsan oo maanta Soomaali oo dhami ku faanneyso ..

Anigoo wasiirka arrimaha gudaha ah oo Federaalka ku matalaya ayaan idin ku matalay magaciinna iyo inan Fadaraalisimka la wiiqin in Soomaalidu dib u heshiiso inan Soomaali-nimada wax loo dhimin ayaan idin ku soo matalay.”ayuu yiri Cabdi Faarax .


“Anigu haddii aad xilka ii doorataan waxaan xoogga saaraya arrimaha amniga oo maanta furimo badan inugu furanyihiin,waxaan dhisaya ciidan amnigeenna aan ku haleyn karno anagoo la kaashaneyna cidda arrinta taqaquska u leh , ciidan xaquuqdooda hela aynu ku seexanno,sharafteenna ilaaliya iyo xaduudkeenna ..Waxaan ka shaqeynaya kobac dhaqaale ,dhaqaale la isku haleyn karo oo amniga laga shaqeyn karo oo adeeg lagu fidin karo oo dadku xaquuqdooda iyo mushaarkoodda heli karaan ayaan ka shaqeynaya “. ayuu raaciyay hadalkiisa,

Isagoo inta ku daray inuu ka shaqeyn doono midnimadda dadkii isku yimid ee dhisay Puntland 20 sanno ka hor iyo hoggaan dhaqan oo mideysan.

“Cidda aad u baahantihiin maanta inad doorataan waa inuu yahay qof idinka idin ka soo dhex baxay , waa inuusan ahayn Xildhibaan hagoogan, Musharrax hagoogan oo aan la aqoon waxa u hooseeya , waxa uu aamisansanyahay.. waa inuusan ahayn mid meel kale laga soo xawilay waa inuu dadka ka soo dhex baxaa, waa inuu yahay cidda idin mataleysa maanta mid dareenkiinna iyo aayihiina ka turjumaya”. ayuu yiri Juxa.


Guddiga anisixnta iyo xallinta khilaafaadka ayuu ugu baaqay inay garsoor sameeyaan oo cadaalad dadka u kala saara oo sida xaqa ah go’aan ku gaaran.

Waxa kalo uu ka hadlay gobollada maqan ee Puntland, wuxuuna sheegay inaysan Puntland gorgortan ka gali doonin gobolka Sool, isagoo farrin u diraya madaxweynaha Soomaaliland, wuxuu yiri “Muuse Biixi oo ah nin odey ah oo askari ah 30 sanno u dagaallamayay tabashada dadkiisa waxaa ceeb ah iyo wax lala yaabo inuu dad kale xabbada dhafoorka kaga hayo oo wixii uu isaga ka cabanayay uu dad kale ku sameeyo”,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka