Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay in uu karti uyeesho hor imaanshaha Baarlamaanka

Maanta waxaa shir jaraa’id ku qabtay Hotel-ka SYL tiro Xildhibaano ah oo sheegay in ay yihiin aqlabiyada baarlamaanka,isla markaana ay taageersan yihiin Madaxweyne Farmaajo kana soo horjeedaan Mooshinka laga keenay.
Xildhibaanada maanta shirka sharaa’id qabtay,ayaa sheegtay in ay gaarayaan ku dhawaad 200 oo Xilhdibaan,balse warar madax banaan ayaa qiraya in ay ku dhawaayeen 135-Xildhibaan.


Mid ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo,ayaa warbaahinta idilnews u sheegay in Madaxweynuhu ka war wareegayo hor imaadka Baarlamaanka iyo aqbalida mooshinka laga keenay.
Madaxweyne Farmaajo karti ha uyeesho in uu Xildhibaanada hor yimaado aqbalana in Mooshin laga keenay sidii ra’isalwasaarihii Ingiriisa Theresa may”ayuu yiri.


”Madaxweyne Xildhibaanada hor imow cadee in Mooshin lagaa keenay muuji in aad diyaar u tahay isla xisaabtan hadii aad kalsooni hesho sii shaqee hadii aad waydana xilka si qurux badan uwareeji.
Jooji darbiya istaaga,kursi jacaylka soo abaabulida Xildhibaano been abuur ah oo lagu sheego aqlabiyada Baarlamaanka.
Hadaad Burhaan hayso oo ay jirto cid ku taageersan fagaaraha la imow oo ku muuji Baarlamaanka iyo caalamka hortiisa awoodaada.
Hoolasha Hotelada ee saxaafada loogu yeeranayo mahan fadhigii Baarlamaanka ee kalsooni uyeelo in aad Hoolka timaado”ayuu yiri Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata.


Shir jaraa’id oo uuq abtay Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal,ayuu markale ku cadeeyay in Madaxweynaha Mooshin laga keenay.