Ciidamada Burundi oo diiday in ay ka baxaan Somaliya

Ciidamada Burundi ayaa si cad u diidey kana hor yimid qorshaha Ciidamada AMISOM ay wadanka uga baxayaan 2020.


Qrshahaan ayaa ahaa in lagu bilaabo ciidamada Burundi, sababa la xiriira tacadiyo dhanka aadanaha ah oo ay ka geysteen Koonfurta Soomaaliya,ciidamadan oo ah ciidamo aan anshax “Discipline” laheyn, xirfad ahaanna kuwa kale ka liita,ayaa lagu qiyaasaa 5,400 oo askari cadadka guud.


Waxaa la aaminsan yahey aragtidan diidmada ah in uu fikirkeeda leeyahay Madaxweynaha Burundi oo dhaqaale fiican howlgalkan ka hela.
Burundi,ayaa ku doodaysa hadii Uganda oo 6,200 oo askari ay ka joogto ay diido in lagu bilaabo qorshaha ka bixitaanka Ciidamada Amisom guud ahaan Somaliya 2020, Burundina yeeli meyso.


Hadaba ismaandhaafkan waxuu caqabad ku noqon karaa qorshihii Ciidamada Amisom looga saari lahaa Somaliya awooda amnigana loogu diyaarin lahaa Ciidamada Somaliya.


Sidoo kale waxaa muuqata in Dowladaha ay ka joogaan Somaliya Ciidamadu ay dano dhaqaale ku ilaalsanayaan ee aysan daacad ka ahayn nabad soo celinta dalka.