Gudoomiye Mursal iyo Gudigii maaliyada oo kulmay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sida lagu xalin karo khilaafka xubnaha guddiga u dhaxeeya iyo sida ay ku wada shaqeyn karaan.

Guddoomiyaha ayaa dhageystay talooyinka xubnaha guddiga maaliyadda ee kulanka ay ku soo bandhigeen.

Xubnaha guddiga ayaa si wadajir ah u qiray in howlo badan ay guddiga u yaallaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in howlo muhiim ah guddiga maaliyadda horyaallaan, loona baahan yahay in si deg deg ah loo qabto.

“Waad mahadsan tihiin sida aad u aqbasheen una soo xaadirteen kulankan deg dega ah ee aan isku kiin yeeray, ujeedku waxa uu ahaa inan dhageysto talooyinkiina, waan dhageystay waana fahmay in badan, waxaan la soo tashan doonaa guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Guddoomiye Maxamed Mursal waxaa kulanka ku wehlinayay Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Guddigan ayaa waxaa dhowaan kala diray Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/weli Muudey, hase ahaatee Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa kala diridaas ku tilmaamay sharci darro, isla markaana dib u howlgeliyay, kuna amray inay shaqooyinkooda gutaan.