Maxaa kasoo baxay kulankii Gudiga Joogtada ah Ee Aqalka-sare?

Kullanka maanta ayaa ayaa diirada lagu saaray Qaraxii shalay ka dhacay Xaawo Taako iyo Qubaro kulanka looga dhageystay nidaamka Federaalka.

Mowliid Xuseen Guhaad oo kullanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa marka wuxuu tacsi u diray ehalada iyo asxaabta dadkii ku geeriyooday Qaraxii shalay argagixisadu ay ka fuliyeen isgoyska Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho,isagoona dhinaca kale caafimaad rabi uga baryayay dadkii dhaawacmay.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka sare ayaa Xukuumadda,Baarlamaanka iyo shacabkuba ugu baaqay in loo gurmado dadka waxyeelada ka soo gaareen Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale,Senator Cabdkaafi Macallim Xasan oo ah Hab-dhowraha Golaha Aqalka sare ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha kale ee looga hadlay kullanka,wuxuuna sheegay in warbixin looga dhageystay quburo ku xeel dheer nidaamka Federaalka iyo dowrka Aqalka sare ee ilaalinta danaha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah.