Yaa gardaran Puntland iyo Hogaanka Farmaajo?.

Waxaan iidnla wadaagaynaa baraarug kooban oo ku aadan fogaanshaha Farmaajo ee shacabka iyo maamulka Puntland uu ka fog yahay iyo sida uu ugu wajahan yahay dhan walba oo danaha Puntland ah fogaanshahaas.

Dhaqaalaha”

1. Wuxuu ka hor yimid heshiiskii balaarinta Dekedda Boosaaso 
2. Wuxuu ka hor yimid Dhismaha Dekedda Garacad
3. Wuxuu diiday in Puntland loo gudbiyo lacagtii EU ku deeqday ee kabidda miisaaniyadda (Surge support)
4. Wuxuu xanibay Hay’ado badan oo caalami ah oo Puntland ka waday arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Biyo gelinta

Siyaasadda”

1. Wuxuu ka baxay balankii Issimada Puntland ee wadashaqeynta iyo taageerada 
2. Wuxuu faragelin ku sameeyey Baarlamanka iyo Hogaanka Puntland oo uu Khilaaf ka dhex abuuray 
3. Wuxuu si toos ah u diiday hirgelinta nidaamka Federaalka iyo Dowlad wadaagga 
4. Wuxuu iska horkeenay Dowlad Goboleedyada iyo Waddamada Deriska ah 
5. Xildhibaanada Federaalka PL oo bahdil kala kulma Xafiisyada Dowladda dhexe si joogto ah
6. Dacaayad iyo been abuur joogto ah oo PL ka dhan ah asagoo adeegsanaya dhalinyarao baraha bulshada mushahaar ku qaata

Amniga”

1. Farmajo wuxuu diiday in Ciidamadii PL ee 2400 mushahaarkoodii la siiyo 
2. Tukaraq wuxuu u aqoonsaday in ay Somaliland ka mid tahay 
3. Hubkii iyo Rasaastii oo uu diiday inuu la wadaago PL
4. Itoobiya oo uu weydiistay inaan Puntland hub laga gadi.

Dad badan,ayaa is waydiinayay waxa ay ku kala boodsan yihiin Puntland iyo Dowlada dhexe ee uu xiligan hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo,balse waxaan filayaa in ay fahmi doonaan markay qormadan akhristaan halka sartu ka quruntay iyo meesha uu ka imaanayo khilaafka lagu kala irdhoobay,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka