Yaa soo abaabulay Cali Ciise Cabdi?

Cali Ciise Cabdi oo ah aqoonyahan mudo dheer kasoo shaqeeyay hay’ada lacagta Aduunka,hadana ah agaasimaha hay’ada HESPI ee fadhigeedu yahay Magaalada adis-ababa,ayaa maalmaha soo socda kusoo aadan Magaalada Garowe.

Cali Ciise,ayaa qorshihiisu yahay in uu isku sharaxo xilka Madaxweynaha Puntland ee 2019.

Sida xoguhu sheegayaan Cali Ciise waxaa soo abaabulay Vila-Somaliya oo hada u yahay madaxa gudiga dhaqaalaha,isla markaana u aragta siyaasi miisaan leh oo kasoo jeeda Gobolka Sool ugu yaraana kala dhantaali kara codadka Xildhibaanada beesha Dhulbahante.

Cali waxuu kamid ahaa masuuliyiintii abaabulay maamulkii Khaatumo ee uu hogaaminayay Cali Khaliif,sidoo kale waxuu ahaa shaqsiyaadka miisaanka leh u dhashay beesha Dhulbahante ee xiriirka dhow la leh maamulka Somaliland

Cali waxaa kaloo lagu xasuustaa ka fogaanshihiisa Puntland iyo nidaamkeeda oo uusan marnaba xiriir iyo kusoo dhawaansho umuujin.

Dad badan,ayaa qaba in uusan Cali wax saamayn ah ku yeelan doonin doorashada,isla markaana cod macno leh uusan ka heli ka keeni karin Xildhibaanada Sool baarlamaanka ku matala.

Isku soo wada duuboo imaanshaha Cali iyo hankiisa kursiga ugu sareeya Puntland,waxay Dad badan oo falanqeeya siyaasada Somaliya u arkaan ismiidaamin loogu talagalay in lagu soo afjaro jiritaanka Puntland iyo nidaamka Fadaraaliga ah ee ay saldhiga u tahay.