Madaxweyne Gaas iyo kulamadisii Nairobi

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay dalka kenya,gaar ahaan caasimada Nairobi,ayaa Kulumo muhiim ah ku leh halkaas.

Madaxweynuhu waxuu kulamo isdaba jooga ah la qaatay madax kala duwan,kuwaasoo ay ka mid ahaayeen:-

1. Madaxda ugu saraysa dalka Kenya 
2. Diblomaasiyiin muhiim ah oo American ah
3. Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya 
4.Madaxweynaha Dowlada Jubaland.

Madaxweyne Gaas waxuu maalinkii shalay ahaa kulankii ugu horeeyay la qaatay Diblomaasiyiin sar-sare oo ka socday Dowlada Maraykanka,kuwaasoo ay kawada xaajoodeen arimaha Puntland iyo guud ahaan Somaliya.kulankaas waxuu kusoo gabagaboobay isfahan buuxa.

Madaxweynayaasha Axmed madoobe iyo Gaas

Sidoo kale Madaxweynuhu waxuu la kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe,iyagoona qaatay kulan dheeraa oo wadatashi dhinacyo badan ay ka sameeyeen, labada Madaxweyne waxay aad iskula jeexjeexeen xaalada guud ee Dalka iyo mida gaar ahaaneed ee labada maamul,kulankaasi waxuu kusoo dilaaday guul.

Madaxweyne Gaas oo sii wata kulamadiisa muhiimka ahaa,ayaa la kulmay Xildhibaanada baarlamaanka Kenya kuwooda ugu miisaanka culus,,kulnkaas waxaa layskaga xog waraystay xaaladaha guud ee Bariga Africa,iyadoo Madxweyne Gaas uga xog waramay Xildhibaanada xaalada Puntland iyo hanaanka doorashada usocoto.kulankaas waxuu kusoo dhamaaday jawi degan.

Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Uhuru

Madaxweyne Gaas ugu danbayntii waxuu la kulmay madaxda ugu saraysa Dowlada Kenya oo ugu horeeyo Madaxweyne Uhuru Kenyata,labada madaxweyne waxay iska xog waraysteen xaaladaha Bariga Africa,Somaliya iyo gaar ahaan Puntland oo xiligan ku jirta Doorasho…kulankaasoo ahaa mid muhiim ah,ayaa sidoo kale waxay Madaxweynayaashu uga xaajoodeen xaalka Jubaland iyo hawlgalka sifaynta argagixisada,waxuuna kusoo gabagaboobay isfahan buuxa oo ay wada gaareen madaxweynayaashu.

Madaxweyne Gaas,ayaa maalmaha soo socda sii joogi doona Kenya,waxuuna kulamo kale la qaadan doonaa Diblomaasiyiin kale.