30-KA QODOB EE GUUL-DARADA U KEENAY DOWLADA FARMAJO IYO KHEYRE

1- Waa dowladii u horeysay ee soomaliyeed oo cadow u dhiibtay muwadin hoos jooga calankiisii, ciidisii iyo caasimadii dalkiisa.

2) Waa dowladii u horeysay ee soomaliyeed oo argagixiso ku sheegta urur gobanima doon soomaliyeed ah (ONLF)

3) Waa markii u horeysay oo afar dekadood oo soomali leedahay mudo afar saac ah loogu saxiixo cadow soo jireen ah(ETHIOPIA).

4) Waa dowladii u horeysay oo heshiis sadex geesod ah, khatar badan ku xeeran yihiin oo waliba aan la shaacin la soo gasha Ethiopia iyo eritrea.

5) Waa markii u horeysay ee hogaamiyaha cadowga soo jireenka ah(ETHIOPIA) uu meel fagaare ah ka yiraahdo ” somalia iyo ethiopia hal m/wayne ayey yeelan doontaa”, jawaabna aan laga bixin.

6) Waa dowladii u horeysay ee aminsan in baarlamanku sharci ku doortay laakin sharci daro ah in uu la xisaabtamo.

7) Waa dowladii u horeysay oo “QAB-QABLAYAAL” ku timaanatay baarlamaankii shalay soo doortay.

8) Waa dowladii u horeysay oo musharax ay diidan yihiin soo qafaalata, ka dibna ciidan cadow ah u fasaxday oo u loogtay shacab aan waxba galabsan lana xasuuqo (BAYDHABO.)

9) Waa markii ugu horeysay inta dowladan joogtay ay tiro ku dhowaad kun qof hal maalin dhawac iyo dhimasho umada soomaliyeed soo gaarto (DHACDADII SOOBE.)

10) Waa dowladii u horeysay oo isku darsata afar qodob oo dowladnimada mamnuuc ka ah : fudayd, faan, tala-xumo iyo tayo dari.

11) Waa markii u horeysay oo wasir maaliyeed( bayle) baarlamaaka ka dhex heeso halkii laga filayey in uu xisaab celin ku dhuntay masuuliyad daro uu ka jawaabo.

12) Waa markii ugu horeysay oo aduun dhan $42 million hal mar la xado, la inkiro, meelna la saari waayo.

13) Waa dowladii u horeysay ee hal mar 5 maamul goboleed gacantooda ka baxo.

14) Waa dowladii u horeysay ee aan wali afkeeda laga maqal ” DIB U HESHISIIN”, laakin ku caan baxday hadalo xoog waa weyn oo maran, xaalad abuur iyo xiisad joogta ah.

15) Waa dowladii u horeysay ee aminsan in dal lagu xakumo kartoonka Amin arts, facebook ku suntan “share and like” la sii dhex mariyo dhalin yaro qurbaha u badan oo xogta iyo xaalada wadanka war ma qabto ka ah.

16) Waa dowladii u horeysay oo baraha bulshada (social media) ku bixisa dhaqale badan iyadoo adeegsata dhalinyaro qurbaha u badan oo cayda uga masuul ah.

17) Waa dowladii u horeysay oo kalsooni daro awgeed ku mashquusha kala qaybinta masuuliyinta shaqadu ka dhaxayso sida: m/wayne iyo ku xigeenkiis, gudiyo shaqo wadaag ah sida barlamanka, wasiiro IWM.

18) Waa dowladii u horeysa oo ku hafatay siyaasada arimaha dibeda oo kala garan wayday waxa danteeda ah, cadowga iyo saxiibka umada soomaliyeed.

19) Waa dowladii u horeysay oo Canada oo ahayd meelaha umada soomaliyeed laga soo dhoweeyey ka dooratay Saudi oo umada soomaliyeed tarxiil iyo dhib ku heysay.

20) Waa dowladii u horeysay oo dowlada soomaliyeed ee Djibouti ka dooratay “Eritrea” oo duulaan ku qabsatay walina ku haysata qayb ka mid ah dhulka walaalaha djibouti.

21) Waa dowlad u horeysay oo xumaysay xiriirka faca waynaa ee ku dhisnaa somalinimada iyo walaalnimada dowlada Djibouti.

22) Waa dowlad talo xun oo ka dhacsan marxalada wadanka xalkana waxay ka raadisaa xoog iyo caburin aan munaasab ku ahayn wacyiga iyo waqtiga.

23) Waa dowlad ku socota ficilo habow ah oo ku salaysan cabsiin, cadaadis, caga-juglayn, iyo fal dhaqan ku dhisan kacaan iska yeel yeel.

(24) waa dowladii ugu horaysay oo aan madaxwaynaheedu ka qayb gelin labadii sano ee lasoo dhaafay shirkii Qaramada midoobay ee ka dhacay Magaalada New York.

(25) Waa dowladii ugu horaysay ee daaqadaha ka xiratay wada hadaladii shacabka Waqooyi galbeed (Somaliland) kuna noqotay cabaqabad in la abuuro is-fahan iyo kalsooni si dib loogu mideeyo umada soomaliyeed.

(26) Waa Dowladii ugu horay ee Raysul-wasaaraheedu diiday inuu hortago barlamaanka kadib markii aay dalbadeen inuu hor yimaado.

(27) Waa dowladii ugu horaysay ee Xukuumada badankeeda ka dhigtay Xubno ka tirsan barlamaanka si aay u difaacaan iyada 76 xubnood weeye.

28) Waa dowladii u horeysay oo baraha bulshada ku dalbata xisaab celin sidoo kale bulshada kala hadasha, kuna caan baxday waraaqo aan tixraac iyo sumad lahayn.

29) Waa dowladii u horeysay oo sidii kacaankii xabsi guri gelisay, ka goysay biyihii iyo nalkii Gudoomiyaha hayad sharci dejinta (barlamanka) oo ah hayad ka madax banaan.

30) Waa dowladii shacabka soomaliyeed uga dhimashada badnayeen inta ay xilka haysay. Waxay si buuxda ula kuftay amankii shacabka iyo amaankeedii dowladeed, waxay uga soo hartay hadal iyo dul fadhiga raqda umada soomaliyeed ee cadowgu warjeefayo iyo duminta meelaha nabada ka jirtay.