Dowlada Fadaraalka oo ma ku adkaysandoontaa Eryida Haysom?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowlada Fadaraalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad,ayaa sheegay in dowladdu aysan marna aqbali doonin in Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom uu mar kale kasii shaqeeyo Soomaaliya.

Axmed Ciise ayaa sheegay in Mowqifkoodii hore uusan waxba iska badali doonin isla markaana aysan ogolaan doonin in Soomaaliya dib loogu soo celiyo Nicolas Haysom oo uu ku eedeeyay in uu u dhaqmay sida in uu isagu madax ka yahay dalka, isla markaana ay jireen qoraallo badan oo uu horay ugu gudbiyay dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in go’aankan aan lagu dag dagin, dalkana ay ka jirto dolwad doonaysa in ay umadaha kale lamid noqoto.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli ay jiraan warar sheegaya in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo madaxda ugu sareysa dowladda Fadaraalka Soomaaliya ay arrinta ka wada hadleen.