Qaramada Midoobey oo aqbashay in ay badasho wakiilkeeda Somaliya

Qaramada Midoobay,ayaa aqbashay in ay soo badesho wakiilkooda Somaliya Nicholas Heysom,sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Xoghayaha guud.

”U.N. Secretary General to appoint to a Special Envoy to Somalia to Head UNSOM Mission. Antonio Guterres says he “deeply regrets” decision of the Somali federal Govt to issue “persona non grata” against Nicholas Haysom which he says does not “apply” to U.N. personnel.

Balse qaramada Midoobey,ayaa usheegtay Dowlada Somaliya in ‘’Non grata” isku adeegsadaan dalalka, ama Dowladaha, balse aysan ku jirin xeerka qaramada midoobey iyo shaqaalaheeda .

Hadalkan ayaa umuuqda mid lagu yasay Dowlada Somaliya iyo masuuliyinteeda lagana dhigay Dowlad aan la socon shuruucda caalamiga ah.

Dhanka kale aqbaalada Qaramada midoobey ay aqbashay in ay badalaan Wakiilkooda Somaliya,iyagoo tixgalinaya go’aanka Dowlada Somaliya,ayay Dadka falanqeeyaa siyaasada Somaliya u arkaan in uusan waxba ka badalayn warbixintii iyo dalabaadkii kasoo baxay Xaafiiska Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya,isla markaana Dowlada Somaliya looga fadhiyo jawaab ku filan dalabaadka laga dalbaday.

Dowlada Somaliya,ayaa eriday Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya Haysom,iyagoo ku eedeeyay in uu meel uga dhacay madaxbanaanida Qaranimo ee Dalka.