Video:-Baarlamaanka Puntland oo yeeshay Gudoomiye cusub

Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Baarlamaanka cusub ee Puntland , xildhibaan Xusseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa natiijada ku dhawaaqay.


Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo looga guuleystay doorashada guddoomiyaha wareeggii labaad ayaa hadal kooban oo uu jeediyay waxaa uu soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub, isagoo sheegay inuu ku qanacsanyahay natiijada ka soo baxday doorashada, waxaa kalo u ballanqaaday inuu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub.


Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo)   oo guushiisa kaddib hadal jeediyay, ayaa ugu horrayn u mahadceliyay musharrixiintii la tartamayay, guddiga doorashada iyo dhinacyadii kale ee ka shaqeeyay qabsoomidda doorashada.


“Dhinac waxaan ka dareemaya farxad, dhinacna culeys iyo mas’uuliyad weyn… waxaan codsanaya inad igu duceysaan inuu illahay xilkan ii fududeeyo oo igu asturo”. ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland,hoos ak daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka