Waa kuma Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Ee la doortay?

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Dowlada Puntland ayaa loo doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).

Wareeggii hore ee doorashada ayuu helay 37 cod, Halka Cabbdijamaal Cismaan Maxamed uu helay 15 cod, ayadoo Abwaan Cabdirashiid Jibriil-na uu helay 5 cod.

Sidaas waxaa wareegga labaad ugu soo gudbay Cabdixakiin Dhoobo Daareed iyo Cabdijamaal Cismaan.

Wareeggii labaad ayaa guddoomiyaha la doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed waxa uu ku guulaystay 43 cod halka Cabdijamaal Cismaan Maxamed uu helay 23 cod.

Dhoobo Daareed Waxa uu kamid ahaa xildhibaanadii uu waqtigoodu dhammaaday,horayna waxa uu uga soo shaqeeyey Shirkaadda isgaarsiinta ee Golis.

Waxa uu kamid ahaa ururkii Al Itaxaad oo 1992-dii iskudayay in ay gacanta ku dhigaan gobolladii loo yaqaanay Waqooyi Bari ee hada Puntland ah.

Dadka yaqaan waxa ay sheegaan in uu yahay nin dabeecad wanaagsan, xiriir wanaagsana ay leeyihiin Xukuumada hada talada haysa iyo guud ahaan musharaxiinta kale.