Video:-Gudiga doorashada Puntland oo soo saaray shuruudaha madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Gudiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland oo soo saaray shuruudaha looga baahan yahay Musharixiinta u tartamaysa Xilalkaas.

Shuruudaha Ay Soo Saareen Gudaga waxaa Ka mid ah Musharaxa Madaxweyne Inuu Bixiyo Lacag Dhan 20,000$(Labaatan Kun Oo Dollar) Halka Madaxweyne Ku Xigeenka Laga Dhigay 10,000$(Toban Kun Oo Dollar).

Gudiga ayaa sheegay in qabashada araajida musharixiinta la bilaabayo 12: duhurnimo oo maanta kuna beegan taariikhda 5-ta bisha January iyadoona ay sheegeen in ay ku ekaan doonto maalinta Beri saacadu marka ay tahay 4:00 galabnimo.


Waxaa sidoo kale gudiga ay sheegeen in musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa laga doonayo in da’dooda aanay ka yaraan 40 sano iyadoo la waafajinayo dastuurka qodobada ku xusan dastuurka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka