Xasan Shiikh oo si weyn u dhaliilay Dowlada Dhexe


Isagoo ka hadlayay Munaasabad lagu furiyay xarun uu yeelan doono Xisbiga uu hoggaamiyo ee UDP ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladaha uu dalka marayo iyo caqabadaha ay wajaheyso dowladda Federaalka.

“Haddii labada aqal ee sharci dejinta ay leeyihiin sidaan kuma wada shaqeyn karno, haddii dowlad goboleedyadii xubinta ka ah dowladda federaalka ay leeyihiin sidaan kulama shaqeyn karno dowladda dhexe, haddii xisbiyada qaarkood ay ka cabanayaan in la caburinayo, lana baal marayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, sow ma haboona in habdhaqanka siyaasadda iyo sida wax u socdaan wax laga bedelo”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Shiikh ayaa soo jeediyay muhiimadda ay leedahay in laga fogaado xaalado kala dhantaalaya cilaaqaadka dowladda iyo shacabka, isla markaana luminaya waqtiga qaaliga ah.hoos ka daawo muuqaalka