Golaha amaanka oo walaac xoog leh ka muujiyay hab dhaqanka Dowlada Fadaraalka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Sabtidii muujiyay sida ay uga xun yihiin ceyrintii Wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Hayso, iyagoo intaa ku daray inay rajeynayaan in wadashaqeyn buuxda ay dhex marto Qaramada Midoobey iyo dowladda Soomaaliya.

War saxaafadeed ay si aqbaliyad ah isugu raaceen Golaha ayaa ku muujiyay walaacooda, kaddib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey aqbalay inuu soo magacaabo Ergey cusub, si uu ugu bedelo ergaygii loo jaray ruqsada ah shaqsi aan laga rabin dalka (Persona Non Grata).

War saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa ahaa qaraar ay soo diyaarisay Britain, kaasoo walaac looga muujinayay go’aanka dowladda Soomaaliya, laguna caddeynayay taageeradeeda Howlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa tan iyo jimcihii lahaa kulamo gaar gaar ah oo albaabada u xirnaa, hase ahaa Shiinaha ayaa ka codsaday in waqti la siiyo oo looga fikiro go’aanka Qaramada Midoobey, waxaana ay soo jeediyeen wax ka bedelka qoraalka iyo in la tixgeliyo madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya.

Golaha ayaa war saxaafadeedkiisa ku sheegay in sanadka 2019 uu yahay sanad muhiim u ah Soomaaliya, waxaana ay ugu baaqeen Hoggaamiyeyaasha inay si wadajir uga shaqeeyaan sidii horumar looga gaari lahaa dib u habeynta siyaasadda iyo ammaanka.

Xasarad Diblamaasiyadeed ayaa ka dhalatay go’aanka Dowladda Soomaaliya ay dalka uga cayrisay Wakiilkii QM Nicholas Haysom oo ku xad gudubay Madaxbananida Dalka, sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.