Puntland:-Musharaxiin Madaxweyne oo tanaasulay

Musharixiin gaaraya ilaa Lix oo u tartamayay Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen u ordidoodii kursiga ugu sareeya.

Musharixiinta ka tanaasulay doorasahada Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kamid ah:-

1.Cabdirisaaq Cabdullaahi Jaamac (Janagale),

2.Cali Axmed Gamuuti,

3.Cabdixakiim Cabdi Xaashi,

4.Maxamed Salaad Qoryoolay,

5.Cabdullaahi Jaamac Saalax

6.Cabdiweli Cabdiraxmaan Gayre,

Musharaxiinta is casilay,ayaa sheegay in ay utanaasuleen Saddex Musharax oo kale ,kuwaasoo kala ah:


B.Siciid Cabdullaahi Deni
T.Cabdisamad Maxamed Galan
J.Daahir Mire Jibriil

Musharaxiintan iscasilay,ayay dadka falanqeeya siyaasada,waxay tilmaamayaan in aysan markii horeba aysan haysan taageero dhaqaale iyo mid baarlamaan.