Wasiirka Arimaha dibada D.Fadaraalka oo loo diiday Puntland

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa Sheegaya in Wasiiro iyo Xubno kale oo kamid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kusoo Wajahanaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ay ku Xaniban yihiin Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.


Xukuumadda Puntland ayaa ku Amartay Xubnahan in aysan kasoo bixin Magaalada Muqdisho, Iyadoona ku War-gelisay in aan Diyaaradoodu kasoo degi doonin Garoonka Diyaaradaha Garoowe.


Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee loo diiday Garowe ayaa waxaa ku jira Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka soo jeeda Puntland.


Wararka ayaa Sheegaya inay Fashilmeen Dadaalo ay wadeen Guddi Isimo ah oo Kulamo la qaatay Xubno ka tirsan Xukuumadda Puntland, kuwaas oo la doonayay in Dowladda Puntland ku ogalaato Imaanshaha Xubnahan.


Dowlada Puntland,ayaa horay usoo saartay go’aan mamnuucid ah oo ku aadan masuuliyiinta,shaqaalaha iyo Ciidamada Dowlada Fadaraalka in aysan imaan karin Puntland xiliga doorashada.