”Khudbadda Madaxweynaha Puntland ee January 07, 2019”.

Guddoonka Golaha Wakiiladda, Golaha Wakiiladda Puntland, Isimada, Musharixiinta, Marti sharafta, Haweenka iyo Warbaahinta Pintland.

Asallaamu Caleykum Waraxmatullaahi Warabaatukuhu:
Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaa Alle mahadii ah inaan shan sanadood sanno ka dib, isugu nimaano hoolka Baarlamaanka Puntland anagoo isku diyaarinayna doorashadii lixaad oo ku dhacaysa si nabad ah, waqtigeediina ku qabsoontay, si xor iyo xalaal ah, isla markaana aanaan qabin wax wal-wal ah. Doorashada oo wakhtigeeda ku qabsoontaa waa oofinta mid ka mid ah cahdiyada Dowladdu la gasho shacabkeeda kan ugu muhiimsan.

Xildhibaanada Sharafta leh, waxaa maanta ii muuqda xubno Baarlamaan oo dhalinyaro u badan, aqoon iyo firfircooni ka muuqato aan hubo inay diyaar u yihiin inay qaybtooda ka qaataan horumarinta Puntland. Waxaan idiin-ku hambelyenaya mas’uuliyada culus ee aad Dalka iyo dadka u qaadeen.

Waxaa dhamaanteen ina horyaal shaqo aad u adag oo ah doorashada hoggaamiye

a) xog ogaal ah, 
b) aragti fog leh,
c) khibrad u leh siyaasadda Guud ee Dalkeenna, 
d) og waxa Puntland uga maqan, 
e) waxa Puntland laga doonayo, 
f) lehna biseyl siyaadadeed iyo galaan-gal heer caalami ah, oo ay ugu horeyso xiriirka Waddamada Gobolka iyo is beddelada ka socda.

Mudanayaal iyo Marwooyin, xildhibaanada sharafta leh iyo shacabka Puntland-ba waxaa laga doonayaa maanta inay qiimeyn dhab ah sameeyaan, oo ah inay go’aan ka gaaran cidda Puntland hogaankeeda qaadaysa shanta sanno ee socota, ayagoo tixgelinaya arrimaha kor ku xusan ee muhiimka u ah heer Puntland, heer Soomaliya iyo heer Gobolba.

e) Waxaan shacabkeena barnay furfurnaasho siyaasadeed iyo xoriyatul qowl,

f) waxaan ku dadaalnay isku filaanshaha baahida biyaha, g) yareynta jahliga,

h) xoojinta adeegyada caafimaadka deegaamada fog-fog. Waxaan waxba kama jiraan ka dhignay kalmadii la oran jiray (Gaari-waa).

Waxaan shacabka Puntland tusnay awoodooda isku tashi inay ku qabsan karaan waddooyin boqolaal kmt ah, Buundooyin iyo ka-hortagga Abaaraha (Resilience programs).

Mudanayaal iyo Marwooyin, si aan u xaaqiijiyo ballantaydii deegaamada maqan waxaan ka hawl-galnay xoreyntooda, waxaan u ducaynayaa askartii naftooda ku waayay xoreynta dalkooda hooyo, waxaana u mahad-celinayaa dhammaan ciidama hadda ku wajahan xaqiiijinta difaaca dhulkooda. Waxaanse leeyahay “Faanoole Fari Kama Qodna”.

Walaalayaal, dadaalkaas Dawladda iyo shacabka Puntland iska kaashanayeen waxaa barbar socday xagal daacin joogto ah, oo ay wadeen Musharixiinta maanta idin hor-dhafiya qaar-kood, iyadoo xoreynta dhulkeena ay uga muhiim-sanayd xildoonka iyo xasaradaha lagu niyad-jabiyay ciidanka iyo shacabka Puntland.

Walaalayaal, Puntland waa Dawladd Goboleed ay xadidan tahay awoodeeda dhaqaale, isla markaana ay ballaaran tahay baaxadeeda dhuleed, baahideeda horumarineed, shaqa abuurka iyo tan amni intuba, ma qaadan karto deyn, mana leh awood wax soosaar oo gudaheeda ah, mana hesho kab-miisaaniyadeed oo banaanka ah, waxaana ku tiirsanahay xoolaha nool ee ay abaaruhu ragaadiyeen, waana arrinta nagu kaliftay inaan xooga saarno kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ugu horeeyaan Dekaddaha iyo Garoomadda si aan u helno maalgashi dag dag ah.

Tabaryarida Dhaqaale waxay sababtaa in aan mararka qaarkood, aysan noo suuroobin inaan si joogto ah loo raaco ku dhaqanka Miisaaniyadda iyo bixinta Kharashaadka Dowladda. Waana dhib Maamul walba lasoo darsay, waxaase Maamulkayga gaar u ahaa xaaladihii difaaca dalka, iibinta agabka ciidanka, dhisme xarumo dawladeed oo badan iyo dhaqaale ku kabidda maashiircda dalka ka socota.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaad ogaataan dhulka ay Puntland ay ku taal inuu yahay dhul qiimo weyn ugu fadhiyo ummada Soomaaliyeed iyo tan Puntland-ba ( Location is Power ) sidaa darteed waxaa loo baahan yahay Madaxweyne uga faa’iideyn kara maanta qiimahaas aan sheegay, oo aan u arko inaan kow ka ahay, xogo gaalnimo, khibrad, aqoon iyo xiriir dalka gudihiisa iyo mid caalamiba.

Xildhibaanada Sharafta badan, waxaan waqti badan gelinay wadashaqeynta Baarlamaanka sidoo kale waxaan ahaa Madaxweyne Ummada Puntland dhex dhexaad u ah oo aan koox gaar ah isku koobin, waxaan ahaa Madaxweyne taleefoonkiisa iyo waqtigiisu u furnaayeen shacabka Puntland.

HIIGSIGGA 2019-ka
Maah maah Badmaaxeed ayaa oranaysa: “Naakhuude Doonta kama Dego Badweyn Dhexdeed, Dabayl kasta oo Geesihiisa ka dhacaysa”

Mudanayaal iyo Marwooyin, maanta Puntland waxaa ay dhexda kaga jirtaa Mashaariic Horumarineed, Heshsiiyo Siyaasadeed oo heer Soomaaliya ah, Is-beddel heer Goboleed ah, Maal Gelin Caalami ah, iyo Difaac socda oo u baahan taakuleyn joogto ah. Puntland looma dhiibi karo shakhsi aan ogeyn, kuna fileyn culeysda jira.

Waa sababta Jiilka Xildhibaanada cusub ee maanta nasiibka u helay hogaanka Shacabka reer Puntland ay ku tahay masuuliyad weyn in ay si adag uga fiirsadaan cidda ay dooranayaan.

Walaalayaal, maanta waxaan abuureynaa hiigsi xog-ogaalnimo ku salaysnayn, waxaana diiradda saareynaa himilooyin noo qorsheysan inaan ka jiba-keeno haddii aad codkiina isiisaan, himilooyinkaan oo shacabka iyo Dawladda Puntland u horseedaya jiho horumarineed.

Anigoo ka ambaqaadaya raadadka muuqda ee Xukuumadda ee wax-qabad ayaan doortay inaan xooga saaro arrimaha soo socda

Walaalayaal, qorshahaygaasi wuxuu ku saleysan yahay xogogaalnimo ay laf-dhabar u tahay Khibraddii Wasiirnimo heer federal, Raysal Wasaare, Xildhibaanimo oo ay ugu dambeysay, Shan sano oo Madaxweyne Puntland ah, waana shaqo u baahan dhameystir kaliya, waayo inta badan way noo diyaarsan yihiin waqtigooda iyo qaabka aan uga hawl-geli lahayn.

Tiirarkaas oo ah kuwa soo socda:

1. DIB U HABEYNTA DHAQAALAHA:
Mudanayaal iyo Marwooyin, horumar dhaqaale laguma jaangooyn karo canshuuro kooban oo keliya. Waxaan u baahanahay inaan Abuurno:

a)Kobcinta saamiga canshuuraha oo si wanaagsan loo agaasimay

b)Kor u qaadiddada tayada iyo xirfadda shaqaalaha (Human Capital)

c)Horumarinta wax soo saarka Dabiiciga oo dhulkeennu hodanka ku yahay sida:

d) Horumarinta kaluumeysiga iyo khayraadka badda
e) Horumarinta Xoolaha iyo Beeraha


Haddaba Mudanayaal, waxaa hadda ii qorsheysan haddii Alle idmo:

a)helida suuqyo caalami ah, b) xoojinta wax soosaarka wadanka iyo suuq geyn-tooda, c) sameynta shuruuc iyo xeerar soo jiita maalgashi caalami ah..

2. Sugidda Amniga

Mudanayaal iyo Marwooyin, Puntland Amnigeedu wuxuu ku taagan yahay tiirar adag oo sal ay u yihiin ciidan muwaadiniin ah oo dhiiran iyo shacab garab taagan goor walba, waana sababta aan gaashaanka ugu daruurnay cadowyadii kala duwanaa ee nasoo weeraray.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaa dhab ah in duruufihii nasoo maray ee dhaqaale ay noo diideen wax badan oo ay mudnaayeen ciidankeenu iyo dhameystirka daryeel-kooda, haddana maanta waxaa illaahay mahadii ah, in aysan ina ilaalinayn ciidamo ajinabi ah.

Haddaba, Qorshahayga Amni ee cusub wuxuu ka bilaabanayaa, dib uhaynta ciidanka, casriyeynta agabka ciidanka iyo kor u qaadida xirfada iyo daryeelka ciidanka.

Waxaan awooda saarayaa haddii Alle idmo, Isku dhiska Ciidanka Daraawiishta iyo qarameynta ciidan Beeleedyada, Xoojinta Ciidamada sirdoonka iyo xuuraanka, Casriyeyta Ciidanka Booliiska, Turobo-taariyada,Taraafikada iyo Asluubta, Cirib-tirka Argagixisadda annagoo kula daagaalamayna qorsheyaal cusub.

Soo Xiridda Xudduudada Puntland iyo Xorreynta Dhulka Maqan:

Walaalayaal, waa waajib dastuuri ah inaan soo celino dhulkeena maqan soona xirno xudduuda Puntland, waxaad la socotaan inaan bilownay hawshaa muhiimada u leh shacabka Puntland. Jiritaanka Dawladnimaddeena waxay ku jirtaa ilaalinta midnimada Puntland iyo sugida xudduudaha dastuuriga ah, ma jiro Madaxweyne isku dayey soo celinta dhulka maqan tan iyo maalintii la qabsaday oo aniga iga horeeyay, sidaas owgeed waxay ii tahay muhiimad weyn mana yeeli-doono wax ka sokeeya xornimada shacabka Sool.

3.HANNAANKA AXSAABTA BADAN EE PUNTLAND:

Gudoonka, Xildhibaanada iyo Marti Sharafta leh, Hannaanka asxaabta badan iyo helida Qof iyo cod waa arrin aan bilownay waxaana magacownay Guddigga Doorashada, waxaana iga go’an in shacabka Puntland ay ku muujiyaan rabitaankooda siyaasadeed habka asxaabta badan haddii alle idmo, waayo waan aragnay kala qeybsanaanta habka beeluhu u keentay bulshadeenna dhexdeeda.

4.XUQUUQDA PUNTLAND EE HEER FEDERAAL IYO SIDII WAX LOOLA QAYBSAN LAHAA:

Xildhibaanada Sharafta leh, shacabka Puntland hannaanka Fedaraalka waxay u qaateen si ikhtiyaari ah, ka dib markii ay ku hun-goobeen 13 shir oo dib-u-heshiiseed. Waxaan doonaynaa Qaran Soomaaliyeed oo federaal ah, oo awoodu u qaybsan tahay waxna la wada leeyahay iyo kuwo la kala leeyahay. Haddaba, haddii shaki la geliyo hannaanka federaalka waxaad ogaataan masiirkeedu wuxuu ku qoran yahay Dastuurka ee meelo kale laga raadin mayo.

Sidaa awgeed, waxaan u caddaynayaa Baarlamaanka cusub ee sharaf leh iyo shacabka Puntland-ba, hannaanka fedaraalku inuusan la fac ahayn Madax afartii sanno mar Muqdisho lagu soo doorto, ee waa nidaam lagu heshiiyey oo Dastuuri ah, gor-gortanna aan geli karin.

Haddaba, Puntland maxay u baahan tahay? PL waxay u baahan tahay:

a)Hogaamiye fahamsan,oo wata yool siyaasadeed oo cad, qabana aragtida saxda ee nooca federaalka iyo Awood qeybsiga Puntland ay doonayso.

b)Madaxweyne khibrad iyo aqoon u leh, heli karana xog iyo ogaal ku filan meelaha laga xagal daacinayo federaalka.

B)Hoggamiyahaas oo difaaci kara xuquuqdeenna awood qaybsi ee dastuuriga ah, kuna mateli kara fagaare-yaasha lagu gorfeynayo arrimahaan oo u baahan faham qoto dheer. Waxaan is leeyahay maanta waxaan ahay Madaxweynihii ku haboonaa illalinta howlahaas oo dhan, Kadbib, marka Xildhibaanada Sharaft leh aad i siisaan kalsoonidiina iyo codkiina.

5.XOOJINTA MAALGASHIGA IYO XIRIIRKA CAALAMIGA EE PUNTLAND:

Mudanayaal iyo Marwooyin, khibradii aan ka helnay shantii sano ee aan shaqaynaynay ayaa noo xaqiijisay in Puntland maalgashigeenu uu ku xiran yahay hadba inta uu le’egyahay xiiriirka aan la leenahay caalamka.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Puntland 20 sanno ka dib waa in aan leenahay aragti hormarineed oo ay saaxiibo caalami ah riixayaan, taasoo aan in mudo ah ka shaqaynayay oo aan doonayay in Puntland ka faa’iideysato, si taas loo helo waxaa lagama maarmaan noqotay in aan mar labaad idin weydiisto codkiina sharafta leh si aan u dhameystiro aragtidaas horumarineed ee aa soo curinay.

Mudanayaal iyo Marwooyinka, horumarinta dalkeennu waa jiritanka gobonimadeenna, kamana maarmi karno helida saaxiibo caalami ah oo maalgashada Puntland si aan uga badbaadno inaan dib ugu laabanno qaxii, barakacii iyo gunnimadii aynu shalay soo marnay aas-aaskiii Puntland ka hor.

UGU DAMBEYN:

Mudane Gudoomiye iyo Xildhibaanada Sharafta leh:

Haddii aan iftiimiyo, waxaan soo maray caqabado adag oo ay ka mid ahaayeen:

a)Lix dagaal oo sababay dhimasho, dhaawac, barakac, iyo dhaqaale fara badan oo laga leexiyey qoondadoodii si colaadahaas aan isaga difaacno. Puntland hal mar weerar ma aysan ahayn, intaba waa la soo weerary. Allah mahadii waxaan difaacnay sharafkeenna iyo gobanimadeenna si wadajir ah. Waana guuleysanay. Allah SWT iyo Ciidamadeenna geesiyada ah ayaa ku mahadsan.

b)Laba abaarood oo sababay xoolo yari, biyo dhaamis, iyo dad badan oo dalka gudahiisa ku qaxay. Waxaa wax lagu farxo ah, in Koofur, Waqooyi Galbeed iyo Degaamo ka fog looga soo qaxay dhulkeenna markii Roobkii Dayrtu ka curtay.

c)Dhoofkii Xoolaha oo yaraaday. Kaddib markii xoolo fara badan oo ka dhoofay Dalka dib naloo ku soo ceshay. Taas oo sababtay bur bur ganacsi oo baaxad u weyn.
Intaas oo caqabadood oo si toos ah u saameysay wax soo saarka iyo Dhaqaalaha annagoo isha ugu muhiimsan ee aan leenahay ay tahay Dekedda Boosaaso oo ah tan ugu baaxadda yar Geeska Afrika. Ayaan Haddana ku guuleysanay, inaan dakhligeeda u maamulano si beekhaamsan.

Walaalayaal, waxaa maanta Ina hor yaal shaqo baaxad wayn, kuma gaarayno caadifad, istijaabin iyo rajo abuur aan run ku salaysnayn, mana aha in wakhti inooga dhumo barashada xaaladaha wadanka, caqabadaha jira iyo sidii xal loogu heli lahaa. Ee waxaynu u baahanahay hoggaamiye leh qorshe horumineed oo ku salaysan baahidda dhabta ee wadanka, hogaamiye faham buuxa ka haysta xuquuqda Puntland ku leedahay Dawladda Federaalka. Waxaan u baahnahay hogamiye leh dulqaad iyo Samir u leh xaalad kasta iyo howl kasta oo ka hortimaadda.

Xildhibaanada Sharafta le, Anigoo kaashanaya Allah SWT, adeegsanaya xogtii aan shantii sanno diyaariyay, eegaya baaxada baahida Puntland iyo xogta aan hayo, ay ii muuqato fursadaha dhaw ee aan ka warhayo, dareemaya banaanaanta ku imaanaysa qorsheyaasha diyaarsan, Waxaan idin weydiisanayaa markale inaad ii igmataan hoggaanka Dawladda Puntland, waxaana ka codsanayaa Golaha Baarlamaanka in ay iga ogolaadaan codsigaas. Aad iyo aad ayaad u Mahadsan tihiin.

Puntland Ha Noolaato Soomaaliya Ha Noolaato

Wabillaahi Towfiiq.