Video:-Garowe oo bandow lagu soo rogay

Mas’uuliyiinta amniga ee Puntland ayaa bandow la xiriira dhaqdhaqaaqa baabuurta kusoo rogay magaalada Garoowe laga bilaabo 5-ta galabnimo ee maanta ilaa maalinka beri ah ee ay doorashada Madaxweyne ay dhacayso.

Hadalkan waxaa magaalada Garoowe kaga dhowaaqay Taliyaha ciidanka booliiska Puntland Jeneraal Muxiyadiin Axmed Muuse.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in inta bandowga uu socdo aysan jiri doonin cid loo ogolaanayo in ay magaalada soo gasho marka laga reebo mas’uuliyiinta xasaanadda leh iyo musharaxiinta,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka