Doorashada Dani kadib Puntland iyo Fadaraalka xiriirkoodu wajigee yeelan doonaa?

Maxamed Nuur Caalin oo aqoon dheer uleh Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayay BBC-du wax ka waydiisay waxa uu noqon karo xiriirka Puntland iyo Dowlada Dhexe.

”Marka la eego xiriirka dhex mari kara Deni iyo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku tilmaamay mid aan waji fiican lahayn”ayuu yiri Caalin.

“Markaad eegtid madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiinta hadda maamulka haya, haddii la is barbar dhigo Siciid iyo Cabdiwali Gaas, waxaa maamulka Farmaajo aad ugu dhow Cabdiwali Gaas. Sababtoo ah Siciid waa nin aad u aaminsan qadiyadda federaaleynta, waa nin aad ula dhacsan hannaanka ay ku socdaan kooxda hadda mucaaradka ku ah dowladda dhexe, waa nin Farmaajo kula loollamay doorashadii madaxweynaha federaalka, wax soo dhaweyn ah kama uusan helin dowladda Farmaajo, marka waxaan filayaa in Siciid meeshii uu ka taagnaa khilaafka u dhexeeyay Federaalka iyo maamul goboleedyada uu meel kasii fog ka istaagi doono”, ayuu yiri Mr Caalin.

Hase ahaatee waxa la sugaba waa wajiga uu rasmi ahaan u yeelan doono xiriirka maamulka Puntland, ee madaxweynaha cusub loo doortay maanta iyo dowladda Federaalka, oo iyadana la rumeysan yahay iney isha ku heysay natiijada doorashada.