Madaxda cusub Ee Puntland oo yeeshay kulan hordhac ah

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kullan la yereshay madaxda ugu saraysa dalka ee kala ah:-
Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) .

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo),

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdillaahi Cismaan.

Kullanka oo ka dhacay hoyga sida KMG ah uu uag sii dagan yahay Garowe Madaxweyne,ayaa ahaa mid hor dhac ah waxna layskaga waydiinayay masuuliyadaha iyo shaqooyinka horyaalla madaxda cusub ee dhawaan la doortay.

Kulankan,ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara madaxda cusub tan iyo markii la doortay 8-dii bishan janaayo.