Maraykanka oo qaaday weerarkii shanaad sannadkan

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay duqayn cusub ka gaysteen Gobolka Bay maalintii shalay ee Talaadada.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska Afrika ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqayntaasi ay dhacday degaanka lagu magacaabo Yaaq Braawe oo ku taalla Gobolka Bay.

Goobtaasi ayaa Maraykanku sheegeen inay ahayd goob ay iska abaabulaan argagixisada Al-Shabaab.

Lix ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay, baabuurna waa lagu burbiyey sida ay sheegeen taliska Maraykanka.

Maraykankuw axay sheegeen oo kale inaan dad rayid ah waxba ku noqonin weerarkaasi.

Maraykanku waxay sheegeen inay ka go’an tahay inay Al-Shabaab ka hor istaagaan inay helaan meelo ay ku gabbadaan kana soo abaabulaan weerarradooda, iyo inay dhacaan sahayda gargaarka ama ay baadaan shacabka.

Waa duqayntii shanaad ee sannadkana Maraykanku uu ka gaysto Soomaaliya.

Xigasho VOA.