Qaramada midoobey oo Hanbalyo udirtay Madaxweynaha la doortay ee Puntland

Ku-simaha xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaliya islamarkaana ah ku-xigeenka wakiilka xafiiska siyaasadda UNSOM Raisedon Zenenga ayaa sheegay in uu hambalyeeynayo madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash oo maalintii shalay lagu doortay magaalada Garowe.

Wuxuu sheegay Raisedon in uu ka rajeynayo madaxweynaha cusub ee iyo maamulkiisaba in ay si dhaw u wada shaqeyn doonaan xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobey.

Waxaa kaloo uu amaanay guddiga doorashada Puntland, sida ay u diyaariyeen doorashada ku dhacday sida nabadda ah.

“Waxaan sidoo kale aan ammaan u soo jeedinaynaa madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ iyo maamulkiisa sida ay u maamuleen in si nabadgelyo ah awooda la isugu wareejiyo islamarkaana suurta-geliyay jawi wanaagsan oo ay guddiga doorashada waajibaadkooda ugu guteen.”