Video:-Madaxweyne Deni oo bixiyay Waraysi xiiso badan

Madaxweyne Dani waxuu mid mid siday ahayd u taabtay qadiyadaha masiiriga ah ee Puntland.

Somaliland khilaaf nagama dhaxeeyee dhulkayaga ayay kusoo xadgudbeen”ayuu yiri Madaxweyne Dani.

Isagoo hadalka sii wata waxuu yiri”Mashruuca Somaliland wado khaldan buu ku socdaa waxaana filayaa in ay heli doonaan cid wax usheegta hadaysan helina wakhtigaa bari doona’,haday iyagu ingiriis noqdeen anagu Talyaani ma nihin”

Dimuqraadiyada ayuu Madaxweynuhu taabtay,waxuuna sheegay in Sanadka ugu horeeya hogaamintiisa uu qaban doono doorashooyinka Dowlada hoose hadaan tabari udiidin.

Dhanka golaha iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka oo uu ka hadlay,ayuu ka yiri..

“Dastuurka ayaa dhigaya in Maamul Goboleedyada ay iskaashadaan wixii danahooda kadhaxeeya. In la iskaashadana ma ahan wax dastuurka kasoo horjeeda”

Madaxweyne Deni waxuu ka hadlay dhanka amaanka waxuuna balan qaaday in uu talaabo deg-deg ah oo usoo afjarayo kooxaha argagixisad ah uu qaadi doono,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka