Ma dhabaa in Uk baajisay booqashadii X.Difaaca Ee Muqdisho

Xoghayaha Difaaca dalka UK Gavin Williamson ayaa lagu waramayaa in uu baajiyay safar uu ku iman lahaa magaalada Muqdisho iyo kulan lagu waday in uu la qaato madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida lagu daabacay Wargeyska Independent ee ka soo baxay dalka Britain.

Taa badalkeeda Gavin Williamson ayaa booqday magaalada Hargeysa isaga oo kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen arrimo u badnaa xoojinta xiriirka labada dhinac.
In xoghayaha difaaca dalka Britain uu baajiyo safarkiisii Muqdisho ayaa lagu micneynayaa khilaafka ka dhashay go’aankii dowladda Soomaaliya dalka ugu ceyrisay wakiilkii Qaramada Midoobey ugu baabilsanaa siyaasada Soomaaliya Nicholas Haysom oo ay dowladda ku eedeysan in uu ka baxay nidaamkii Diblomaasiyadda.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal warka ku saabsan xoghayaha difaaca uu ka baaqday safar uu ku iman lahaa Muqdisho iyo sida ay u aragto safarka uu ku tagay magaalada Hargeysa.

Dowladda Britain kama aysan hadal hadii booqashada xoghayahooda difaaca ee Hargaysa.