Maxaa kasoo baxay kulamadii wadatashi Ee Gaas iyo Dani

Puntland waxaa ka qabsoomay is-beddel siyaasadeed loo igmaday Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni in uu hogaanka qabto sanadaha 2019-2023.

Is-wareysi iyo sheeko dheer oo dhexmaray labada hogaamiye Madaxweynaha la doortay mudane Dani iyo Madaxweynihii hore mudane Gaas waxaa lagu gorfeeyey waxyaabo badan oo ay ugu waa weynaayeen qodobadan soo socda:-


1. Amniga Puntland

2.Dhaqaalaha

3. Siyaasadda

4. Xiriirka Dowladda Dhexe

5. Horumarka 5tii sano ee dhamaatay

6. Caqabadaha 5tii sano ee la soo dhaafay

7. Xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Puntland


Wadatashiyadaas,ayaa ku soo dhamaaday in si buuxda oo hagar la’aan ah loo taageero, loolana shaqeeyo Madaxweynaha la doortay. Lana siiyo wakhti uu dadka iyo dalka ugu shaqeeyo.

Sidoo kale labada Madaxweyne waxay isla garteen xiliga ay dhacayso xil wareejinta,taasoo ay ku balameen in ay noqoto 14-ka bisha oo ku aadan maalinka Isniinta ah.

Isku soo wada duuboo Madaxweyne Dani waxuu ku jiraa kulamo isdaba jooga ah oo kula kulmayo qaybaha bulshada