Somaliland oo danaynaysa martigalinta Saldhigyo Milatariga

Maamulka Waqooyi-galbeed Somaliya ee loo yaqaan Somaliland ayaa danaynaya in ay Milliteriga dalalka Britain iyo Raashiya ku marti-geliyaan saldhigyo baddeed ay ka samaystaan Xeebaha Deegaamadaas.

Toddobadakii la soo dhaafay, Xoghayaha Difaaca Britain, Gavin Williamson waxa uu booqasho aan la shaacinin ku tegay magaalladda Hargeysa, isagoo la kulmay Madaxweynaha Maamulkaasi, Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiiradda Arrimaha Dibedda,Difaaca iyo Talyaha Ciiddamada maamulkaas..

Sannadkii 1991-kii, ayey Somaliland sheegtay inay ka go’een Jamhuuriyadda Somaliya, balse ma jiro Waddan aqoonsaday Ictiraaf-doonkooda 28-sanno kadib.

Madaxa Ergadda Somaliland ka jooga dalka Ethiopia, Axmed Xasan Cigaal ayaa u xaqiijiyey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency in ay Ciiddanka Badda ee dalka Britain Saldhig ka samaysan doonaan Dekedda magaalladda Berbera, waa sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyey inuu xaqiijiyo dareenka Britain ee ay Somaliland kaga dhisanayaan Saldhig Milliteri waxa uu tilmaamay in ay Somaliland istaraatijiyad muhiim u tahay Caalamka, isla markaana ay xiriir taariikhi ah la leeyihiin Britain.

Sidoo kale, Ciiddanka Badda ee dalka Raashiya ayaa la sheegay inay doonayaan inay Saldhig Milliteri ka dhistaan magaallo xeebeedka Saylac ee Somaliland, halkaasi oo Saldhig u noqon doonta 1,200 Askar Raashiyaan ah iyo hubkooda kala duwan.

Somaliland ayaa hankeedu yahay in ay ku kasbadaan Dalalka danaynaya Saldhigyadda Milliteri muhiimadeeda juquraafi ee ay kaga taal caalamka.

Dadaalka Somaliland ay ku doonayso in ay ku hesho aqoonsi,ayaa kusoo aadaya Dowlada Fadaraalka Somaliya oo luminaysa xiriirkii beesha caalamka iyo doorkeedii diblomaasi ee tixgalinta lahaa.