Video:-Isbadal lagu sameeyay hogaanka Booliska Carmo

Taliska Booliska Puntland ,ayaa umagacaabay Talye cusub Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Talyaha cusub oo xilka kala wareegay Talyihii hore,ayaa goobta ka sheegay in uu wax la taaban karo ka qaban doono amniga Degmada ee liita.

Degmada Carmo oo ku taal meel muhiim u ah isku socodka dhulweynaha Puntland waayahan danbe waxay hooy unoqotay amni daro,iyadoo ay ka dhacayeen dilal iyo dhac loo gaysanayo Gaadiidka.

Lama sadaalin karo isbadalka lagu sameeyay Taliska Booliska Degmada waxuu ka badali dooni amni xumada ceebeeyay magacii Degmada,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka