Baarlamaanka Puntland oo miciya lisanaya

Ajandaha rasmiga ah ee kalfadhiga 43-aad ee Wakiilada Puntland oo ka kooban sideed qodob,ayaa lagu soo darray ansixinta golaha Xukuumadda ee uu soo magacaabayo Madaxweynaha in laga dhigo mid mid.

Qodobkan wuxuu awood u siinkarraa , haddii Xildhibaannadu isku raacaan in si qof ah xubnaha Xukuumadda ka mid noqonaya ay ‘codka diidmadda ku reebaan’.

Qodobkan ayay Xildhibaanadu rabaan in ay ku reebaan Shaqsiyaad la hadal hayo in golaha lagu soo dari doono,kuwaasoo dareen foolxun ay ka muujiyeen shacabku.

Si gaar ah qodobkaas waxuu saamayn ugu yeelan doonaa Maxamed Cabdiraxmaan Faroole hadiiba ay dhacdo in lagu soo daro Golaha.

Madaxweyne Dani ayay xoguhu tilmaamayaan in culays ka haysto kooxda Aaran-jaan oo olalihiisii qayb ku lahaa,kuwaasoo ku adkaysanaya in ay Wasiiro muhiim ah ka helaan Xukuumada cusub.

Aaran-jaan oo ah koox aan laga jeclayn Puntland,ayaa qorshaystay Wasiirada Caafimaadka iyo Maaliyada.