Hal Talo oo ku socota Madaxweynaha cusub ee Puntland, mudane Siciid Cabdullaahi Deni.WQ.Abdihakin Diiriye

Madaxweyne waxaan jeclahay inaan kula wadaago hal caqabad oo inta badan madaxda Soomaalida curyaamisa cawaaqib xumana u horseedda:


CAQABADDA KOOWAAD EE MADAXWEYNE KASTA LA KOWSATA:

1: Koox abaabulan oo xafiiskiisa isku wareejisa:

Sida looga bartay Puntland iyo Soomaaliyada kaleba, madaxweyne kasta wuxuu xafiiska la yimaadaa, niyad sami iyo hammi waxqabad, hase yeeshee, caqabadda ugu weyn ee hor istaagta, waxay noqotaa, koox abaabulan oo maalinta ugu horreysa xafiiskiisa isku hareereysa, badanaa kooxdaasi waxay soo raacaan xilliga ololaha doorashada, waxayna noqon karaan, qaraabo, saaxiibo la siyaasad ah ama kuwa maalgashaday ololihiisii!

Sida tijaabooyin hore laga bartay kooxdaasi waxay isu arkaan iney yihiin mulkiilayaasha dowladda dhalatay, ayna xaq u leeyihiin iney gurtaan mirihii ka dhashay maalkii, maskaxdii iyo muruqii ay geliyeen madaxweynaha guuleystey!

Bilowga hore madaxweynuhu wuxuu isku dayaa inuu joojiyo ama yareeyo damaca kooxdan ka hoos dhalatay, haddey muddo isla raftaan, sida madaxda Soomaalida looga bartay, waxaa adkaata kooxda abuulan, sidaas ayeyna ku noqdaan awoodda dhabta ah ee talada haysa, madaxweynuhuna wuxuu u muuqdaa shir gudoonka qalinka ku duuga go’aamada ay kooxdu soo dhiraandhiriso!

Sidaas ayeyna kooxdu ku kala goysaa madaxweynihii la doortay iyo dadweynihii sugayey, ayna uga leexisaa ujeedkiisii hore ee ahaa inuu dadkiisa wax u qabto!

Caadiyan sanooyin kadib, kooxdu markii ay feenato lafihii u dambeeyey ee nacfi ku jirey, ayna aragto in dowladdaan dufankii ka dhammaaday, ayna ogaato in madaxweynuhu uusan haysan shacbiyad ku filan iyo sumcad markale soo celin karta, waxay raadiyaan qof kale oo dihin oo la maalgeliyo, si sanooyin hor leh loo maalo MAANDEEQ!

Madaxweyne waxaan rajeynayaa inaad ka duwanaan doontid xaaladda kor ku xusan, sababta oo ah, taas waxaa ku jirta dantaada iyo danta dadkaaga iyo dalkaaga.


MAHADSANID

WQ.Abdihakim Diriye