Video:-Sakariye”Sharciga Bankiga Ee wax laga badalay waa khiyaamo qaran”

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sharci darro ku tilmaamay wax ka bedelka Xeerka Bangiga Dhexe, isagoo ku eedeeyay Guddoonka iyo Baarlamaanka in si aan waafaqsaneyn xeerarka dalka loo ansixiyay.


Waxaa uu sheegay in si boobsiis ku jirto loo meel mariyay xeerkaas, iyadoo ay aheyd in Baarlamaanka uu ka doodo, isla markaana uu maro saddex akhrin.


Sidoo kale waxaa uu is weydiiyay qofka ajnabiga ee loo magacaabi rabo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe kitaabka lagu dhaarinayo, maadaama aanu Muslim aheyn sida uu hadalka u dhigay.


“Xukuumadda ninka ajnabiga ee ay rabto inay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe u magacaabato Kitaabkee lagu dhaarinayaa, inlee Guddoomiyaha Bangiga Dhexe marka la magacaabo waxaa lagu dhaariyaa dalka dadka iyo diinta”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye oo intaa ku daray in laga booday xeerkii 1960 ee ah muhiimada uu leeyahay qofka Soomaaliga iyo xuquuqda uu u leeyahay in shaqo la siiyo.


Xildhibaan Zakariye ayaa sheegay in go’aanka maanta uu gaaray Baarlamaanka ay la mid tahay tii Qalbi Dhagax loogu gacan geliyay Itoobiya.


Waxaa uu sheegay in marar badan uu ka aamusay qaladaad badan oo dalka laga galay, isagoo tilmaamay in haatan ay bilaabatay in Badda la bixiyo oo leesano la siiyo, si lagu xaalufiyo kalluunka, waxaa uu intaa ku daray in aanay aqbali doono oo ay arrintan ka soo horjeesanayaan.

Halkan ka daawo muuqaalka