Xildhibaanada Fadaraalka oo ansixiyay wax ka badalka sharciga Bankiga Dhexe

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa manata meel mariyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay.


Xeerkan ayaa waxaa oggolaaday 158-Xildhibaan , halka 17-xildhibaana ay diideen,waxaana sidaasi ansax ku noqday xeerka wax ka bedelka Maamulka Bangiga Dhexe.


Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta ku ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.


Dadka qaar ayaa aaminsan in qodobka wax ka bedelka lagu smaeeyay uu dhigaya in xilalka sare ee Bankiga dhexe ee Soomaaliya ay qaban karaan cid kasta oo ugu dhibca saraysa dadka doonaya inay xilal ka qabtaan bangiga dhexe, iyadoo aan la eegeyn Jinsiyaddiisa.


Maalmahan,ayaa aad laysula dhex marayay in guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya loo wado Nin Ajaanib ah oo u dhashay dalka Britain,