Video:-Wararkii ugu danbeeyay weerarkii Nayrobi

Dhawr baabuur ayaa la arkayay iyaga oo gubanaya, waxaa la arkayay dad dhaawac ah oo laga saaraya goobta uu qaraxa ka dhacay. Ciidamada ammaanka ayaa isku gaadaamay goobta uu weerarka ka dhacay.

Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay weerarkaasi, waxaana qoraal uu boolisku soo dhigay Twitter-ka lagu sheegay in la xiray waddooyinka ka ag dhow goobta uu weerarka ka dhacay.

Sidoo kale, taliyaha ciidamada Kenya, Joseph Boinnet ayaa xaqiijiyay in rag hubeysan ay weerar ku qaadeen dhismaha hoteelka DusitD2, isla markaana raggii weerarka soo qaaday ay ku jiraan gudaha dhismahaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in ciidamadu ay weerarkaasi ku soo afjari doonaan sida ugu dhakhsaha badan. Taliyaha ayaa intaasi ku daray in dhaawacyo dhawr ah ay jiraan, booliskuna ay isku dayayaan in ay xaqiijiyaan sida ay wax u dhaceen.

Halkan ka daawo muuqaalka