Somalida islii oo dhigay Mudahaaraad ay kaga soo horjeedaan weerarkii Alshabaab

Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa maanta halkaasi ka oogay banaanbax ay uga soo horjeedaan weerarkii dabley hubaysan ay talaadaddii la soo dhaafay ku qaadeen dhismaha DusitD2 ee xaafada Westland ee Nairobi.

Soomaalida xaafadaa ku dhaqan ayaa maalmihii la soo dhaafay oo dhan walaac ka qabay jawaabta ay hey’adaha amaanka ee Kenya ka bixin doonaan weerarkaas, oo uu sheegtay ururka Al-Shabaab.

Ciidamada amaanka Keny,ayaa bartilmaameedsada xaafada Islii ee ay Somalidu ubadan tahay inta badan.