Video:-Muxaadarada ‘Cafi walalkaa’ Ee Shiikh kenyaawi oo gilgishay Muqdisho

Shiikh Maxamed Sh. Ibraahim Kenyaawi ayaa maanta oo jimce ah magaalada Muqdisho ku qabtay muxaadaro uu ciwaan uga dhigay ‘Cafi walaalkaa’, waxaana ka qeyb galay kumannaan ruux oo isugu tagtay garoonka ciyaaraha ee Koonis.

Muxaadaradan oo maalmahanba dadweynaha lagu ogeysiinayay baraha xiriirka bulshada ayuu sheekhu diiradda ku saaray mowduuca iscafinta oo loo arkay mid si weyn loogu baahnaa.

“Soomaaliyeey aynu iscafinno, waynu isdilnaye aynu iscafinno, waynu kala irdhownaye aynu iscafino, waynu kala fogaanaye aynu iscafinno. Sanooyin fara badan ayeynu isdagaaleynay oo aan kala fogeyn, oo xitaa aynu Ilaahay ka fogeyn ee aynu iscafinno”, ayaa ka mid ahayd erayadiisa.

Dad badan ayaa isweydiinayay sababta loogu xoomay muxaaradan iyo in dadku ay xiiseynayaan sheekha wajigiisa.

Laakiin dad badan oo kale ayaa sheegay in shaki la’aan ay hadda Soomaalidu aad u daneynayaan mowduuca muxaadarada ee ah “iscafinta”.
Muxaadarada ‘cafi walaalkaa’ ayuu Sheekh Kenyaawi maanta ku soo hadal qaaday qodobbo kale oo ay ka mid ahayd in dhallinyarada Soomaaliyeed aysan ka cararin dhulkooda.

Wuxuu tusaale u soo qaatay in nabi Muxammad CSW uu magaalada Maka ka qaxay isagoo aad uga xun isla markaana sheegayay in haddii aan la khasbin uusan marnaba ka tagi lahayn.

“Haka cararin waddankaaga, haddii aad adigu baxdo yaa u haraya waddankii?, Yaa u haraya waalidkaaga?, yaa hagaajinaya dalkaaga?”, ayuu yiri.

Arrimihii kale oo uu ka hadlay waxaa ka mid ahayd faa’iidada ay shacabka ku heystaan baraha xiriirka bulshada.

“Baraha xiriirka bulshada waa nicmo uu Alle na siiyay, laakiin waa inaan si wanaagsan oo uu Alle raalli ka yahay u adeegsanno”, ayuu yiri.

Dhawaan waxaa soo baxay warar sheegayay in Sheekh Kenyaawi uu dhaqdhaqaaqiisa ku saleynayo arrimo siyaasadeed, balse wuxuu isagu ku adkeystay in arrintaas ay tahay been abuur oo ujeeddadiisu ayku kooban tahay iscafinta shacabka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka