Video:-Ma dhabaa in Alshabaab qabsatay Baar Saanguuni?

Saakay Waaberigii,ayaa dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxa ay weerar culus fariisin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa shaaciyay in weerarkaas oo ku bilawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay fashiliyeen,isla markaana gaarigii ay Ciidamada Jubbaland gubeen.

Dagaalamayaal Alshabaab oo lagu dilay B.Saanguuni

Sarkaalka u hadlay Ciidamada Jubaland,ayaa sheegay in ay sidoo kale ku dileen dagaalka saakay 73-dagaalame oo ka tirsan Alshabaab Gaadiid kale oo dagaalna ay ka gubeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku shaaciyeen in ay saakay deegaanka Baar-Sanguuni la wareegeen,isla markaana ay qabsadeen Saldhiga Ciidamada Jubaland gacantana ku dhigeen Saanad Millateri oo fara badan.

Balse sheegashada Alshabaab waxaa meesha ka saaraya soo bandhigida khasaaraha la gaar sooo gaaaray dagaalamayaasha Alshabaab ee ay sio bandhigeen Ciidamada Jubaland.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Halkan ka daawo sawirada.