Muxuu salka ku hayaa khilaafka soo ifbaxay Ee Khayre iyo Farmaajo?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.ayay xogo hoose sheegayaan in uu jiro khilaaf xoog leh oo ka dhex taagan.

Khilaafka u dhaxeeya Labada mas’uul ee dalka ugu saraysa,ayaa salka ku haya kalsooni xumo soo kala dhexgashay.

Xisbiga la furanayo iyo cida noqonaysa musharaxa Xisbigaas,ayaa ah arinta ugu weyn ee labada masuul ay ku kala aragti duwan yihiin.
Xasan Cali Khayre waa musharax Madaxweyne oo si weyn ugu jira diyaar garow doorashada soo socota ee 2020.

Khayre waxuu hada gacanta ku hayaa diyaarinta warbaahin xoog leh oo dhaqaale fara badan lagalinayo,taasoo qayb ka qaadan doonta olalihiisa musharaxnimo ee 2020,sidoo kale waxuu si hoose uwadaa tashkiilinta qaybaha bulshada.

Madaxweyne Farmaajo oo horay mar usheegay in uusan markale isa soo sharaxayn,ayaa hada umuuqda in hami ku jiro,waxuuna si hoose uwadaa udiyaar garowga markale iyo hogaaminta dalka,balse waxaa culays xoog leh ka haysta hanka Ra’isalwasaarihiisa uu markii hore isku halaynayay.

Dhanka kale waxaa iyaguna jira arimo ay isku fahmi waayeen labada masuul kuwaasoo ku saabsan kacdoonka ay wadaan Odoyaasha iyo siyaasiyiinta Beelaha Hawiye oo maalmihii udanbeeyay waday shirar iyo kulamo isadaba joog ah oo ay kaga soo horjeedaan hogaaminta Madaxweyne Farmaajo.

Xasan Cali Kheyre,ayaan Madaxweynaha ka xigsan culeysyadaas siyaasadeed oo uu kala kulmayo Odayaasha iyo siyaasiyiinta Beesha Hawiye ee uu ku filnaan waayay kaligiisa xal uhelidooda.

Ra’isalwasaare Khayre,ayaanba isku mashquulin xal uraadinta arinkaas,waxaynaba xogo hoose sheegayaan in uu si hoose raali uga yahay culaysyada socda.

Waxaa muuqata in labada nin oo mudo kusoo shaqaynayay khilaaf la’aan hada lasoo gaaray wakhtigii ay kala xiriir furan lahaayeen.