Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo

Ilaa laba ruux ayaa la xaqiijiyay in ay qaraxaas ka dhacay xarunta Gobolka Bay ee Baydhabo ku geeriyoodeen.

Lamana oga waxa ay ahaayeen Dadka bamka watay ee uu ku qarxay.
Dad ku sugan Baydhabo ayaa warbaahinta idilnews u sheegey in jugta qaraxa inta badan laga maqlay Xaafadaha Magalada Baydhabo.

Qaraxa Galabta ka dhacay Magalada Baydhabo ayaa kusoo aadaya xilli weli Magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin wafti ka tirsan Madaxdii ka qeyb gashay xafladii Caleemo-saarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.