Gaadiidka Xamuulka qaada oo uxayirmay canshuur dhaafkii Madaxweyne Dani hakiyay

Madaxweyne Dani amarkii uu ku joojiyay guud ahaan go’aankii canshuur dhaafka ee Dowladii ka horaysay ay ku dhaqmi jirtay,ayaa waxaa kasoo baxaya guux iyo cabasho xoog leh.

Tobaneeyo Gaadiidka xamuulka qaada ah oo ku soo wajahnaa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu xayiray degaanka Xarfo oo ku yaalla Gobolka Mudug .

Gaadiidkan ayaa waxaa la sheegay in ay xayireen Ciidamada amaanka ee maamulka,waxayna ka doonayaan lacag canshuur ah oo laga rabay Gaadiidkaas.

Qaar ka mid ah Wadayaasha Gaadiidka ayaa warbaahinta u sheegay in labaddii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku xayirnaayeen degaanka ka dib markii lagu soo rogay Canshuur markii hore uga jarmi jirtay cabshuur dhaaf ay usamayn jirtay Dowladii Madaxweyne Gaas.

Darawalada Gaadiidkan,ayaa waxay sheegeen in ay go’aansadeen in aysan bixin lacagtaas.

Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka maamulka Degmada Xarfo,ayaa sheegay in waqti kooban uun la xayiray Gaadiidkaas,kadibna la sii daayay. Guddoomiyaha ayaa beeniyay in wali Gaadiidkaas xayiran yahay.

Gaadiidka ayaa horay u bixin jiray lacag dhan $40 Dolllar halka hadana lagu sii daray $20 Dollar oo kale taasoo wadarta guud ee lacagta ka dhigaysa $60 Dollar.

Wareegto u soo saaray Madaxweyne Deni oo aan faahfaahi, la socon balse lagu xusay in la joojiyey canshuur dhaaf la tilmaamay in loo samayn jiray ganacstada, hay’adaha Dawliga ah iyo kuwa madax bannaan oo kuwa caalamiga ahina ay ku jiraan ayaa sababtay ismaandhaafka taagan.