Ilaaladii hore Ee Madaxweyne Dani oo qabsaday Kayntaroolka Magaalada Qardho

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland,ayaa saakay hiirtii waaberi kala cayriyay Maleeshiyo ay isku hayb hoose yihiin Madaxweyne Dani oo qabsaday barta Kayntaroolka Magaalada Qardho.

Isku dhacan ayay wararku sheegayaan in uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maleeshiyadan,ayaa sidoo kale todobaad ka hor dhacay Gaari uu leeyahay Col.Caare sarkaalka hogaamiyaha Jamhada wax iska caabinta ee kasoo horjeeda maamulka Somaliland,inkastoo dadaal ay sameeyeen waxgarad Deegaanka ah dib looga soo daayay.

Maleeshiyadan oo isku urursaday Guri ku yaala xaafad ka mid ah xaafadaha Magaalada Qardho,ayaa xogo hoose oo aan helayno waxay sheegayaan in ay ka mid ahaayeen ilaaladii Madaxweyne Dani xiligii uu ku jiray olalaha,isla markaana ay ka caraysan yihiin in aysan ka mid noqon ilaalada cusub ee Madaxtooyada Puntland.