Video:-Maxaa loo xiray Wariye Coldoon?

Wariyaha ama u ol-oleeyaha qadiyada Somali weyn Cabdimaalik Muuse Coldoon,ayaa lagu xiray Deegaanka Somalida Itoobiya.

Coldoon,ayaa warar hoose oo laga helayo xarigiisa,waxay tilmaamayaan in qorshaha loo qabtay uu ahaa in xadka Somaliland iyo Itoobiya laga talaabiyo loona gacsngaliyo Maamulkaas,inkastoo aysan duurtoobin.

Amarka lagu xiray coldoon waxa uu kasoo baxay sida ilo agu kalsoonaan karo ay idilnewsxaqiijiyeen,Talyaha_Ciidamada_Federalka ee Gobolka Hararge oo ay xaruntiisu tahay Harar.

Waxaana xogta iyo qorshaabaabulan ee loo cuskaday xariga Cabdimaalik gaarsiiyay talyaha Hararge sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo Xildhibaan_Nimcaan oo ay dood Coldoon ku dhexmartay #jaamacada jigjiga maalmo ka hor,taasoo lagaga hadlayey aayaha umadda Somaali Galbeed.

Eedaymaha lagu soo ogay Coldoon,ayaa waxaa ka mid ah:-.

1-in uu yahay Nin Somalinimada iyo Somaliweyn u ololeeya ama u halgama.

Talyaha,ayaa amar soo siiyey sida la sheegay Taliyaha_Gobolka_Jarar oo ay ka mid tahay degmada #Gaashaamo oo laga qabtay Cabdimaalik.

2-In uu wato “#Drone_cameras’ ama kaamirooyinka wax lagu duubo kuwaas oo dalka #Qatar laga Soo siiyay si uu ugu soo duubo meelo muhim ah oo ay ka mid yihiin Xeryaha_Ciidanka iyo meelo kaleba
kadibna xogta ugu gudbiyo Dowlado_shisheeye.

3-inuu waddanka sharci-darro ku Soo galay

4-In uu Alshabaab_xiriir la leeyahay Dalka iyo Deegaankana Khatar ku yahay.

Waxaa qorshan isku duba riday sida naloo xaqiijiyay masuuliyiin Maamulka Deegaanka ka tirsan oo ku xirnaan jiray Saraakiishii awooda badnaa ee Tigreega,waxayna kala yihiin:-.

1-Cabdixakin_Cigaal
Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga

3-Axmed_Koore
Xubin hore oo Golaha Dhexe ee Xisbiga

2-Guuleed_Awcali
Wasiirka Xidhiidhka Dadweynaha

4-Xabiib_Muxumed
Wasiirka Qurba Joogta.

5.Gurey Fidaar.

Isku soo wada duuboo lama saadaalin karo meesha ay ku danbayn doonto xaalada Wariye Coldoon.

Halkan ka daawo muuqaalka