Wax badan ka ogow Nabad Sugiddii Somaliya NSS (1976-1991)

Nabad Sugiddii NSS (1976-1991)

10 kii sano ee ugu horaysay Waaxdii Nabad Sugiddii NSS waxay qaadday tallaabooyin ay kula baratantay laamaha asaageed ah ee dunida ka jira , adeegsiga magacyada qarsoon , dhex galidda xundumaha Dawladaha aan cadawga nahay , ayadoo la marayo hanaan fahamkiisu ku adag tahay qofka caadiga ah , waxay laantu dhex istaagtay xafiisyada Itoobiya oo Gumaysata dhulka Soomaaliyeed qayb ka mid ah ayadoo adeegsanaysa saraakiil Soomaaliyeed laakiin huwan hayb kale.

In kastoo ay laantu xirfad muujisay , gadaalkii waxay isu rogtay wariiri ( Jirac) shacabka Soomaaliyeed marada u dhex galay , caburinta , daba galka , kii laga shakiyaba hoos u diridda , boobka hantida Qaranka , iyo guud ahaan jidkii ilaalinta Dalka oo loo leexiyay Ilaalinta Madaxda , Dunuubtaas laga dhurtay shacabka miisaanka qaar badan ayaa iigu darsamay , ( Ilaahay ayaan waydiistaa mar waliba inuu iga cafiyo ) .

Aqalkii aan ka dhistay Musuqa curyaamiyay Dalkeenna kumaan ladin , gu’ barkii markaan ku raxleeyay ayay galab Hooyaday gacanta iga soo qabatay , habayn dabbe umaan Hoyan , waxay maalinba sheeko murugo iyo cabsi leh, digniinna xanbaarsan oo Qur’aanku ka wariyay Maalinta Qiyaamaha igu laab kicisaba , ugu danbayn waan yaqiinsaday inuu aqalkaas yahay jidka Jahanama loo maro , waxaan u dhiibay waraaqihiisii lahaansho , waxaan si niyad ah u ogolaaday inay Hooyaday aqalkaas siday doonto ka yeesho .

Isla habaynkii 28 Juulaay 1983 dii markuu dhamaaday kulankii ay dhalin yarada ka baxay ‘’Jaamacadaha’’ una shiray dan Qabiil kana durugsan Qaran iyo Qiimihi ayaan anigoo buubinaya Laan Guruusal Sumad Shacab leh oo laga lahaa Filla Soomaaliya , soo hor joogsaday guriga Taliye xigeenka oo Xaafadda Madiina meel kaga yiillay , Ilaaladii ayaan farriin u dhiibay sheegaysa ,’’ Xiirane waa yimid ‘’ markiiba waxaa asagoo tallaabo dheeraynaya igu soo noqday Madaxii Ilaalada Taliye Xigeenka , ‘’Soo gudub Jaalle’’ ayuu igu yiri markiiba waxaan ugu tagay qolkiisa Fadhiga ood mooddo Huteelada Jannada Basaasiinta Laarnaka Qubrus ku yaalla .


‘’Jaalle inkastoo ay aqoontayda dhaaf siisanayn Iskuulkii KGB ee nabad Galyada sida loo dhawro , hadana iigama muuqan raggaan caawa la fadhiistay maskax gaar siisan darajo aqooneedka Jaamacad , waxay ka hadlayeen kuna mashquul sanayaan Qoys iyo sidii ay culays ugu saari lahaayeen W/Arimaha Dibadda in loo diro tacliin sare oo dibadda ah dhalin yarada Reerka , waa dhaqan khatar ku ah jiritaanka Qarankeenna , Jaalle Taliye waxay dhalin yaradaan dhaqaalaha guriga ay fadhiistaan , Gaadiidka Isgaarsiinta ugu deeqay Wasiirka ………… . ,

Ku dhawaad 10 sano ayay Hooyaday gurigii kirada ku masruufi jirtay dhawr qoys oo Agoon ahaa . 1991 dii markii Qaran Jabku dhacay ayuu gacanteedii ka baxay , 1995 tii ayuu mar labaad kusoo noqday gacanteedii , wax yar ka hor intuusan Cadawga Soomaaliya ( Itoobiya) Xoogga ku qabsan Xamar ayay dareentay inay dhanka aakhro u dhawaatay, Hooyaday waxay marisay gurigii siday kula taliyeen Culimo diimeed Soomaaliyeed , wuxuu ahaa dhulka kaliya ee aan yeeshay , haattan waxaan J.Soomaaliya ku leeyahay labada Mitir ee la i dhigi doono haddii aan ku geeriyoodo markuu malagaygu galo.


F. Xiirane ( NSS 1976- 1991 )

Mubarak Akhkir.