Dhismaha Laamiga halbowlaha u ah Gaalkacyo oo gabagaba maraya

Dhismaha Laamiga halbowlaha u ah isku socodka magaalada Gaalkacyo,ayaa wajigisii labaad Dowlada hoose oo kaashnasya shacabka qaybihiisa kala duwna ay bilowday saakay.

Wadadan oo muhiim u ah Gaalkacyo,Mudug iyo Guud ahaan Somaliya,ayaa dib u dhiskeeda ay si weyn usoo dhaweeyeen bulshada Gobolka.

Dhismaha wadadan,ayaa galay wajigii labaad,iyadoo horay loo dhisay Hal Kilomitir, oo ka mid a,hadana la bilaabay halkii Kilomitir ee xigay,waxaana harsanaan doona Kilomitirka sadexaad.

Shirkada Kibergo oo ay leeyihiin ganacsato reer Puntland,ayaa dhankooda ka qayb qaatay isku atshiga lagu dhisayo Wadadan muhiimka u ah Magaalada Galkacyo.

Dhismaha wadadan,ayaa lagu dhisay dhiirigalintii Madaxweyne Gaas ee halhayskeedu ahaa ”Puntland ha isku tashato”.

5-tii sano ee uu xukunka Puntland hayay Madaxweyne Gaas,waxaa ka hirgalay Gaalkacyo dhismaha Wadooyin muhiim ah oo lagu dhisay isku tashiga shacabka iyo xukuumada.